Ancelotti oo u sheegay Mario Gotze inuu raadsado koox uu ka helayo boos joogto ah

(Munich) 11 Maajo 2016 Tababaraha la filayo inuu qabto kooxda Bayern Munich ee Carlo Ancelotti ayaa u sheegay inay kooxo raadsadaan qaar kamid ah ciyaartoyda kooxda reer German.

Wararka ka imaanaya Germanka ayaa sheegaya in tababare Carlo Ancelotti uu ku wargaliyay Mario Gotze inuu raadsado koox uu ka helayo boos joogto ah.

Ancelotti ayaa la sheegay inuu taleefan kula hadlay dhaliyihii goolkii Germanku uu ku qaaday koobkii aduunka ee 2014 lagu qabtay dalka Brazil.

Tababaraha reer talyaani ayaa u sheegay Mario Gotze in shaxda haatan ay haysato Bayern uusan boos joogto ah ka heli karin taas ayaana ka dhigaysa inuu isaga tagi doono suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Warkaan ayaa farxad u ah kooxaha Liverpool, Juventus iyo kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund oo dhamaantood doonaya saxiixa Mario Gotze.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close