Ancelotti oo ay ka go’antahay inuu la soo wareego Dani Carvajal

(Munich) 11 Maajo 2016 Tababaraha lafilayo inuu la wareego shaqada kooxda Bayern Munich ee Carlo Ancelotti ayaa doonaya inuu kooxdiisa keeno daafaca Real Madrid Dani Carvajal.

Ancelotti ayaa la soo sheegayaa inuu aad uga helo qaab ciyaareed ka daafaca reer Spain ee Dani Carvajal kaas oo ku jira daafacyada ugu fiican Spain.

Barnaamijka puntopelota ee dhanka suuqa kala iibsiga ayaa lagu sheegay in tababare Ancelotti uu isku dayi doono inuu kooxdiisa keeno Carvajal suuqa kala iibsiga ee xaggaaga.

Ancelotti ayaa ahaa tababarihii dib u soo ceshtay Carvajal xiligii uu u ciyaarayay kooxda Bayer Leverkusen, wuxuuna haatan doonayaa inuu markale dib ula midoobo.

Kadib saxiixii Sanchez iyo Hummels, tababare Ancelotti ayaa xooga saari doona saxiixa Dani Carvajal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close