10-ka SARE: Waa kuwee 10-ka naadi ee sanadkan iibiyey funaanadihii ugu badnaa?!

(Zurich) 17 Maajo 2016 – Waxaa lasoo saaray liiska 10-ka naadi ee fasal-ciyaareedkan 2015-2016 iibiyey funaanadihii ugu badnaa ee sidaa darteed soo xareeyay dakhliga ugu badan ee dhanka funaanad iibinta.

Kooxda AC Milan ayaa waloow ay ka qasan tahay markii dhanka garoomada la eego misna weli u xooggan brand ahaan iyadoo sida uu qorayo webka calcioefinanza.it ka mid ah 10-ka sare, iyadoo ah kooxda qura ee liiska ku jirta ee aan fasalkii hore iyo midkanba ka qayb gelaynin Champions League, waxayna samaysay sare kac dhan 24% marka sanadkii hore loo eego.

Haddaba, liiska ayaa waxaa 1-aad uga jira kooxaha Barcelona, Bayern Muncih iyo Chelsea oo haysta 3-da boos ee sare ee ka bogo.

1) FC Barcelona, ​​3,637,000 (2,440 + 32%)

2) Bayern Munich, 3,312,000 (1,977 + 40%)

3) Chelsea 3,102,000 (1,866 + 39%)

4) Manchester United, 2,977,000 (1,946 + 34%)

5) Real Madrid, 2,866,000 (2,533 + 11%)

6) PSG, 2,212,000 (1,733 + 21%)

7) Arsenal, 2,055,000 (1,455 + 29%)

8) Atlético Madrid, 1977000 (new entry)

9) Juventus, 1,678,000 (1,078 + 35%)

10) AC Milan, 1,287,000 (978 + 24%)

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close