Waa kuma Renato Sanches, halkuu asal ahaan ka soo jeedaa?. (Aqriso wax kasta oo aad uga baahan tahay xiddiga ay Bayern Munich ka dul qaaday Man United)

(Munich) 10 Maajo 2016. Bayern Munich ayaa si lama filaan ah uga dul qaaday Man United saxiixa xiddiga ay indhaha wada hayeen ee qadka dhexe kaga ciyaara Benfica Renato Sanches.
Kooxda reer Germany ayaa 18-jirkan ku khasirtay adduun dhan 35-milyan taa oo xitaa ka sii badan karta oo gaari karta ilaa 45-milyan.
Haddaba ka bogo wax kasta oo aad ugu baahan tahay wiilka yar ee lacagahaasi qaaliga ah lagala baxay.


Sanches waa laacib qad dhexe oo dagaal badan kaa oo uu dhirirkiisu yahay 5ft 8in.
Wuxuu kulankiisii ugu horreeyay Benfica B u saftay bishii October 2014, isagoo ka ciyaaraya heerka labaad ee horyaalka Portugal. wuxuu ciyaaray kulankaa 46-daqiiqo waxayna kooxdu bar-baro 2-2 la gashay C.D. Feirense.
Sanches ayaa matalay xulka qaranka Portugal 40-jeer, 2-jeer ayuu u saftay xulka 15-jirada, 7-jeer xulka 16-jirada, 19-jeer xulka 17-jirada iyo 12-jeer xulka ay da’doodu ka yartahay 19-jirada, wuxuuna dhaliyay muddadaas 8-gool.
Wuxuu wacdaro wayn ka dhigay safka hore ee Benfica taa oo keentay inay kooxdu ka saxiixato heshiis ku eg ilaa 2021 ay qeyb ka tahay 35-milyan oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa.
Labo bilood uun kaddib markii uu heshiiska dheer u saxiixay Benfica, waxaa Sanches loo magacaabay laacibka ugu fiican da’yarta horyaalka Primeira Liga kaddib bandhigyo aad u sarreeya.

Wuxuu goolkiisii ugu horreeyay ee Benfica u dabaal degay bishii December ee 2015 kubbad qurux badan oo 30-yard u jirta goosha oo uu uga shubay Academica.
Sanches ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay saftay ilaa iminka 19-kulan wuxuuna dhaliyay 2-gool wuxuuna ka caawiyay Benfica inay gaarto kulamada kala baxa Champions League.
Waxaa kuu soo ururiyay: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).
Gool FM.