Tababaraha Tottenham miyaa loo doonayaa xilka Man United…(Ferguson iyo Pochettino oo qado qarsoodi ah wada yeeshay, Maxaa laga hadlay?)

fer

(England) 10 Maajo 2016.  Haddii aad aragto taageere Tottenham oo walaacsan waa sax maxaa yeelay Sir Alex Ferguson ayaa qado qarsoodi ah la yeeshay tababarahooda Mauricio Pochettino.

Pochettino ayaa ah macallimiinta sida wayn loogu saadaalinayo inay xilka tababare ka badelaan Louis Van Gaal inkastoo ay jirtay inuu heshiis afka ah la gaaray kooxdiisa uu kula sii joogi doono ilaa 2021.

Tababarihii hore ee Southampton ayaa fara cidi leh uga baxsaday horyaalka Premier League ee kal ciyaareedkan laakiin waxaa la dhacsay maamulka United fir fircoonidiisa ee kubbada cagta iyo hormarinta da’yarta oo uu ka mid yahay Dele Alli oo loo doortay da’yarka ugu fiican horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan.

Sikastaba Jose Mourinho ayaa ah kan inta badan la saadaalinayo inuu ku wareego xilka Old Trafford.

SAWIRRO:

fer1  fer2 fer3

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close