Stephen Ireland oo lugta ka jabay maanta

stoke1

(England) 10 Maajo 2016. Laacibkii hore ee Man City ee iminka u safta Stoke City Stephen Ireland ayaa tababarka maanta lugta uga jabay iyadoo uuna waqti dheer ka maqnana doono garoomada.

Kooxda ka ciyaaarta Premier League ayaa xaqiijisay warbixintan laakiin ma ay sheegin waqtiga uu ku soo kabsan karo, iyadoo 29-jirka lagu wado in qalliin la marsiiyo.

“Stoke City waxay xaqiijineysaa in Stephen Ireland uu lugta uga jabay tababarka subaxan wuxuuna iminka wajahayaa muddo dheer oo dhaawaca soo gaaray.” Sidaa ayaa lagu yiri warbixin ay soo saarta Stoke City.

“Kooxdu waxay u rajeynaysaa Stephen inuu si dhaqsi leh ku soo kabto, waxaana u soo bandhigi doonaa dhammaan tageerada uu u baahan yahay baxnaanintiisa.”.

stoke

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close