Sidee loogu kala guuleystay abaal marinada FACEBOOK ee horyaalka Premier League?

face

(England) 10 Maajo 2016. Haddii kol hore la qabtay abaal marinadii xaflada Premier League isla markaana Riyad Mahrez loo caleemo saaray laacibkii ugu fiicnaa horyaalka Della Alli ee isna u safta Totteham loo doortay da’yarka ugu fiican waxaa markaan la bixiyay abaal marinada Facebook ee PL.

Riyad Mahrez ayaa ku guuleystay abaal marinta laacibka ugu fiican Facebook football awards waxaana kaalinta labaad xirtay oo uu ku garaacay xiddiga ay isku kooxda yihiin Jamie Vardy.

Kubbad qaabeeyaha Arsenal Mesut Ozil ayaa xirtay kaalinta 3-aad wuxuuna ka sara maray N’Golo Kante, Dimitri Payet  iyo Harry Kane.

Macallinka reer talyaani ee kooxda Leicester City laudio Ranieri ayaa loo doortay tababaraha sanadka.

Mar uu ka hadlayay Mahrez abaal marinta la guddoonsiiyay ayaa wuxuu yiri: “Waa wax gaar ah, waa wax wayn sidoo kale, maxaa yeelay waxay ka timid adduunka oo dhan waana u mahad celinayaa, mahadsanidiin dhammaan taageerayaasheeda.

face (2)

“Waan jeclahay dhammaan taageerayaasheeda, aad ayaan u faraxsanahay.”.

Dhanka kale haddii aad ogeed in xiddig yaraha Tottenham Alli loo caleemo saaray da’yarka ugu fiican Premier League markan sheekadu saa ma ahan oo Facebook waxay da’yarka ugu fiican ugu codeeyeen dhaliyaha Man United Anthony Martial.

Wiilka reer France ayaa abaal marinta ku garaacay Dele Alli, Hector Bellerin, Eric Dier,  Ross Barkley ee ka tiran Everton iyo xiddiga Man City Raheem Sterling.

face (1)

Wuxuuna yiri Martial oo ka hadlay abaal marinta Facebook ee uu ku guuleystay: “Waad ku mahadsan tihiin dhammaan taageerayaasha Faceboook inaad igu taageerteen da’yarka sanadka.

“Waan ku faraxsanahay inaan ka ciyaarayo Premier League waxaana rajeynayaa inaan sii wado inaan dhaliyo goolal badan.”.

Dhanka kale Facebook ayaa kooxda sanadka u magacowday sidan:

De Gea [Man United]; Bellerin [Arsenal], Smalling [Man United], Huth [Leicester], Alderweireld [Tottenham]; Mahrez [Leicester], Alli [Tottenham], Payet [West Ham]; Vardy [Leicester], Kane [Tottenham], Aguero [Man City].

  Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close