Roma oo soo diiday dalabkii ugu horeeyay ee Chelsea ay ka gudbisay Radja Nainggolan

(London) 10 Maajo 2016 Kooxda Roma ee dalka talyaaniga ayaa soo diiday dalabkii ugu horeeyay ee Chelsea ay ka gudbiso laacibka qadka dhexe ee xulka qaranka Belgium Radja Nainggolan.

Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda Roma ay soodiiday dalab ku kacayay 23 milyan oo Ginni oo Chelsea ay ku doonaysay Radja Nainggolan.

28 jirkaan ayaa ah dooqa koowaad ee tababare Conte suuqa kala iibsiga ee xaggaaga balse Roma ayaa isku dayaysa inay sii haysato laacibkeeda oo xiliciyaareed kan u dhaliyay 13 gool.

Roma ayaa shaacisay inaysan aqbali doonin qiimo ka hooseeya 36 milyan oo Ginni haddiiba uu kooxda katagayo Radja Nainggolan.

Laacib kaan ayaa la sheegay inuu si gooni ah ula kulmay tababare Conte kaas oo la wareegi doona shaqada kooxda Chelsea dhamaadka koobka qaramada qaarada yurub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close