Juventus oo heshiis cusub ka saxiixday laba kamid ah ciyaartoydeeda muhiimka ah

(Turin) 10 Maajo 2016 Kooxda Juventus ee dalka talyaaniga ayaa heshiis cusub ka saxiixday laba kamid ah ciyaartoydeeda muhiim ka ah kadib markii ay ku guulaysteen horyaalka talyaaniga markii 5-aad oo xiriir ah.

Football Italia ayaa shaaca ka qaaday in masuuliyiinta Juventus ay soo afjareen wadahadalo heshiis cusub looga saxiixayo goolhaye Buffon iyo daafacooda Andrea Barzagli.

Labadaan laacib ayaa qalinka ku duugi doona heshiis ku eg ilaa June 2018, waxaana la shaaciyay in kooxdu ay si rasmi ah u shaacin doonto bari oo arbaco ah.

Qandaraaska Buffon uu haatan kula jiro Juventus ayaa ku eg June 2017, taas ayaana ka dhigaysa inuu saxiixi doono hal sano oo dheeraad ah wuxuuna qorshaynayaa inuu ka fariisto ciyaaraha kadib koobka aduunka ee 2018.

Andrea Barzagli oo 35 jir noqday axadii aan ka soo gudubnay ayaa kula jira Juventus heshiis dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kan, wuxuuna u saxiixi doonaa ilaa 2018.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close