Dhageyso barnaamijka Gool FM Show oo ay soo jeediyaan Mohamed Kaafi iyo Nasra Kiin

goolshow logo

(Muqdisho) 10 Maajo 2016. Aqristeyaasheena sharafta leh soo dhowaada, waxaan mar kale sidii cadaada ahayd ayaan idiin soo gudbineynaa barnaamijkii toddobaadlaha ahaa ee Gool FM Show.

Barnaamijka waxa uu habeen waliba oo isniin ah, talaado ay soo galeyso ka baxaaa idaacadda Gool fM 99 MHZ.

Waxaa soo saara qoraa Mohamed Muse Mohamed (Moh’med Kaafi) waxaa kala qeyb gasha Nasrokiin Xaashi Nuure oo ka tirsan wariyeyaasha Gool Fm.

Barnaamijka waxaa lagu soo qaataa qodobo xiiso leh sida wararka ciyaaraha ee aan la sheegin (Untold Stories) iyo kuwa xiisaha gaarka ah leh ee ka baxsan gegida dheesha (Off the Pitch).

Qodobadii toddobaadkan lagu soo qaatay waxaa ka mida:

– Taariikh nololeedkii Alexis Sanchez oo xanuun badan balse baraare ku dambeeysay.

– Dhaliyaha halista ah ee Leicester City Jamie Vardy oo ay taariikh ka qabsatay sidii uu ku soo xero galin lahaa gabadha uu hada jaceylka la jilo –  iyada ayaa ka warameysa wixii kala qabsaday

-Giggs oo shaqo ka helay Abu Dubai maalmo uun kaddib markii uu furay xaaskiisa iyo arimo badan oo quseeya sheekooyinkaas

– Yaa ugu fool xun 20-ka tababare ee iminka Premier League kooxohooda hogaamiya? sida ay u kala horeeyaan ayaad maqli dontaa iyo qodobo kale oo ku xiiso galiya!

Hadaba dhageysi wacan oo noo reeb aragtidaada.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close