Barcelona oo wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay Munir El Haddadi

(Barcelona) 10 Maajo 2016 Kooxda Barcelona oo doonaysa inay ceshato qaar kamid ah ciyaartoydeeda da’yarta ah ayaa wadahadal heshiis kordhin ah la furtay weerar yahankeeda Munir El Haddadi.

Sport ayaa shaaca ka qaaday in maamulka kooxda Barcelona ay xiriir la sameeyeen Munir El Haddadi iyaga oo la gaaray heshiis hor dhac ah si uu kooxda ugu saxiixo heshiis cusub.

Barcelona ayaa doonaysa inay ka saxiixdo Munir El Haddadi heshiis ku eg ilaa 2020 maadama qandaraaskiisa haatan uu ku egyahay 2017.

Kooxda macalin Enrique ayaa ka cabsi qabta in kooxaha Arsenal iyo Real Sociedad ay ku qanciyaan Munir El Haddadi inuu ku biiro suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close