AQRISO: Wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

(Europe) 10 Maajo 2016. Aqriste waxaan halkan kugu heynaa oo aan kugu soo ururinay wararkii ugu dabeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Ka aqri halka hoose:

Arsenal ayaa ku jirta wada hadalo ay kula soo saxiixaneyso xiddigaha Leicester City Riyad Mahrez, oo lagu qiimeeyay 40-milyan oo bound iyo N’ Golo Kante oo isna lagu heli karo 20-milyan labada xiddig ayaa min 25-jir ah. (France Football – in French).

Thierry Henry ayaa lagu wadaa inuu shaqo joogta ah ka qabto Arsenal, iyadoo weeraryahankii hore ee reer France uu diyaar u yahay inuu leyliyo 18-jirada Gunners. (Daily Mail).

Xiddiga bartilmaameedka u ah Chelsea Henrikh Mkhitaryan ee u safta Borussia Dortmund ayaa la hakiyay wada hadalada uu heshiiska ugu kordhin lahaa kooxdiisa. (Mirror).

Louis van Gaal ayaa u sheegay saaxiibadiisa inuu sii heysan doono shaqadiisa haddii ay Man United ku dhameysato afarta sare isla markaana ku guuleysato FA Cup. (Express).

West Ham ayaa ku dhow inay 20-milyan ku soo qaadato laacibka reer England ee kooxda Arsenal Theo Walcott waxaana la warinayaa inay 27-jirka u ballan qaaday boos joogta ah. (Sun).

Xiddiga qadka dhexe ee weerarka Atletico Madrid Antoine Griezmann, 25-jir ayaa saaxiibadiisa u sheegay inuu isku qaban qaabinayo sidii uu u diidi lahaa dalaybada qaaliga ah ee kaga imaanaya Premier League si uu u sii joogo kooxda ka ciyaaarta La Liga. Wiilka reer France ayaa waxaa si dhow ula socday Chelsea, Man United iyo Man City. (Telegraph).

Kabtanka Chelsea John Terry, 35-jir ayaa ku dhow inuu aqbalo heshiis uu ugu dhaqaaqayo horyaalka Shiinaha, halkaa uu ka heli doono adduun dhan 12-milyan oo bound sanadkiiba taa oo ka dhigeysa mid ka mid ah xiddigaha ugu mushaarka badan caalamka. (Sun).

Xiddiga qadka dhexe ee Chelsea Nemanja Matic, 27, ayaa dhowraya haddii ay Man United bilaabi doonto wada hadalada ay kula soo wareegeyso macallinkiisii hore ee Jose Mourinho ka hor inta uusan isagu go’aansan inuu u dhaqaaqo Old Trafford iyo inkale. (Daily Mail).

Weeraryahanka PSG Zlatan Ibrahimovic, 34-jir ayaa sheegay inuu shaaca ka qaadi doono goor dhow kooxda uu ku biirayo iyadoo lala xiriirinayay kooxda Man United. (Manchester Evening News).

Man United ayaa la xiriirtay Riyad Mahrez, 25-jir, qorshe ku aadan inuu xagaaga u soo dhaqaaqo. (Express).

Memphis Depay, 22-jir ayaa wada hadalo ku aadan mustaqbalkiisa Old Trafford kula jira tababaraha Man United Louis van Gaal. (Sun).

Xiddiga qadka dhexe ee Liverpool Joe Allen, 26-jir ayaa ku faraxsan inuu sugo ilaa xagaaga si loo go’aansado mustaqbalkiisa, wiilka reer Welsh ayaa waxaa u harsan hal sano, Reds ayaana weli furin wada hadalo ay heshiiska ugu cusbooneysiineyso. (Liverpool Echo).

Laaibka qadka dhexe ee LA Galaxy Steven Gerrard, 35-jir ayaa soo celiyay u jeedkiisa  inuu dib ugu soo laabto Liverpool goor dhow halkii uu goor dambe u soo noqon lahaa. (Independent).

Lucas Biglia oo 30- jir ah ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqo Man United laakiin Lazio ayaa sheegtay inuusan beec ahayn wiilka reer Argentina kaa oo lagu qiimeeyay 15-milyan oo bound, (Mediaset Premium, via Express).

Waxaa kuu soo uririyay: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).

jariirad

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close