Zidane oo weli aaminsan inay La Liga ku garaaci karaan Barcelona

zidane

(Madrid) 09 Maajo 2016. Zinedine Zidane ayaa aaminsan in kooxdiisa Real Madrid ay horaalka La Liga ka fara marooqsan karto Barcelona oo hal dhibic ka sarreysa isla markaana waxa harsan ay tahay hal kulan uun.

Atletico Madrid ayaa isaga hartay tartanka La Liga kaddib guul darradii lama filaanka ee ka soo gaartay Lavente halka Barca iyo Real Madrid ay ka soo kala adkaadeen Espanyol iyo Valencia.

Kooxda reer Catalonia oo hal dhibic dheer Los Blancos ayaa kulankeeda ugu dambeeya la ciyaari doonta Granada halka Real Madrid ay u safri doonto Deportivo.

zidane1

“Markasta dhanka san ayaan wax ka eegaa,” Zidane ayaa sidaa ku sheegay bogga Real Madrid kaddib guushii xalay.

“Iminka kaalinta labaad ayaan ku jirnaa kulan ayaana inoo harsan, wax kasta ayaa dhici kara, kubbada cagta marna ma ogaan kartid waxa dhici doona.

“Waa inaan bixinaa wax kasta aana soconaa ilaa dhammaadka waana arki doonaa waxa dhaca.

“Waxaan heysanaa kulan aan sahlanaan doonin. Weligeey ma aan arag dhamaad xilli ciyaareed oo sidan oo kale u adag markii aan ciyaaryahanka ahaa. Waan arki doonaa waxa dhaca ilaa dhammaadka, ilaa daqiiqada ugu dambeysa.”.

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close