Weli ma aragtay MADXAFKA u gaarka ah Cristiano Ronaldo?….(Haddii aadan arag ka bogo sawiradan)

(Madeira) 09 Maajo 2016. Cristiano Ronaldo mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican taariikhda kubbda cagta ayaa sameystay madxaf isaga u gaar ah oo aan wax kale dhex oolin.

Madaxafka u gaarka ah kabtanka xulka Portugal ayaa ku yaala dalkiisa hooyo gaar ahaan Madeira ee ah halka uu ku dhashay.

Waxaa dhex yaala madxafka quruxda badan koob kasta oo uu ku guuleystay Ronaldo laga soo bilaabo gold cup uu ku guuleystay mar uu gool dhalinta u qaaday Andorinha isagoo 8-jir ah ilaa Ballon d’Or kii ugu dambeeyay uu qaado 2014.

Waxaa la furay bishii December 2013, 140 koob ayaa dhex taala, funaanado saxiixan, bilado, kubbado iyo maaliyado, sanam aan isaga laga aqoon oo laga saameeyay shumac iyo waxyaabo kale, waxaana fikirkan la yimid Ronaldo walaalkii ka wayn ee Hugo.

Inkabadan 10,000 oo booqdayaal oo uu midkiiba bixiyay ku dhawaad 3.95  bound ayaa booqtay madxafka xiddiga Real Madrid bishiisii ugu horreysay.

KA BOGO SAWIRRO:

cr cr1 cr2 cr3 cr4 cr5 cr6 cr7 cr8 cr9 cr10

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close