Real Madrid oo qiimo qaali ah ku doonaysa Robert Lewandowski

(Madrid) 09 Maajo 2016 Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaan wali ka quusan soo xero galinta weerar yahanka kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski.

Star ayaa shaaca ka qaaday in kooxda macalin Zidane ay diyaar u tahay inay qiimo qaali ah ku soo qaadato weerar yahanka Bayern Munich iyo xulka Poland Robert Lewandowski.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Real Madrid ay diyaar u tahay inay miiska u saarto Bayern Munich lacag dhan 80 milyan oo euro si ay ugu qanciyaan in 27 jirka reer Poland uu soo caga dhigto Bernabeu dhamaadka xiliciyaareed kan.

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay iska fasaxdo weerar yahanka reer France ee Karim Benzema si ay fursad ugu helaan soo iibsashada Robert Lewandowski.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close