Real Madrid iyo Barcelona oo uu min hal kulan u harsan yahay, Taariikhda La Liga maxay ka leedahay kulankan?…(Aqriso warbixin la turxaan bixiyay)

BBC and MSN

(Madrid) 09 Maajo 2016. Barcelona ayaa hal dhibic horyaalka La Liga uga hogaamineysa kooxd Real Madrid iyadoo ay labadu koox u harsan tahay min hal kulan oo qura.

Taariikhda La Liga waxay leedahay Barcelona kulankan oo kale marna ma ay guul darreysan.

Kaliya 7-kulan ayay taariikhda La Liga dhanka kale isku rogtay oo midka hogaanka hayay laga qaaday horyaalka kulanka ugu dambeeya.

Real Madrid ayaa ku guul darreysatay La Liga kulanka ugu dambeeya ama maalinka ugu dambeeya afar jeer 1929, 1983, 1992 iyo 1993, halka kooxaha Sevilla, Athletic Club iyo Deportivo La Coruna ay iyana hal jeer ku guul dareysteen maalinka ugu dambeeya horyaalka.

Dhanka kale, , Atletico Madrid, Valencia, Athletic iyo Barcelona (Afar Jeer) ayay dhammaan ku guleysteen horyaalka La Liga iyagoo kaalinta labaad ku jira sida ay iminka tahay Real Madrid oo kale ka hor kulanka ugu dambeeya ee horyaalka.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa soo gaaray afar jeer kulanka ugu dambeeya tartanka iyadoo wali la go’aamin cidda qaadeysa horyaalka, Barcelona ayaana ku guuleysatay dhammaan afarta jeer.

bbc

Markii ugu dambeysay ay tani dhacdo waxay ahayd 2010, markaa ay kooxda Barca oo uu hogaaminayo Pep Guardiola ay La Liga kaga guuleysatay Real Madrid oo uu hogaaminayo macallinka iminka ee Man City Manuel Pellegrini, kooxda reer Catalonia ayaana kulankii ugu dambeeyay horyaalka guul raaxo leh 4-0 ku martay Real Valladolid.

Halka hoose ka aqri afartii jeer ay Barcelona iyo Real Madrid soo gaareen kulanka ugu dambeeya iyagoo horyaalka iskula dhagan sida iminka oo kale:

1959/60 season:

Barcelona 5-0 Zaragoza / Las Palmas 0-1 Real Madrid.

1991/92:

Barcelona 2-0 Athletic / Tenerife 3-2 Real Madrid.

1992/93:

Barcelona 1-0 Real Sociedad / Tenerife 2-0 Real Madrid.

2009/10:

Barcelona 4-0 Valladolid / Málaga 1-1 Real Madrid.

Hoos ka aqri kulamada lagu guul dareystay horyaalka maalinka ugu dambeeya ama ciyaarta ugu dambeysa:

28/29 Athletic 2-0 Real Madrid

 39/40 Hércules 3-3 Sevilla

 46/47 Deportivo 3-3 Athletic

 82/83 Valencia 1-0 Real Madrid

 91/92 Tenerife 3-2 Real Madrid

 92/93 Tenerife 2-0 Real Madrid

 93/94 Deportivo 0-0 Valencia.

Aqri kulamada lagu guuleystay horyaalka maalinka ugu dambeeya ama kulanka ugu dambeeya:

28/29 Barcelona 4-1 Real Unión

 39/40 Atlético, 2-0 Valencia

 46/47 Valencia, 6-0 Sporting

 82/83 Las Palmas 1-5 Athletic

 91/92 Barcelona 2-0 Athletic

 92/93 Barcelona, 1; Real Sociedad, 0

 93/94 Barcelona 5-2 Sevilla.

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close