“Real Madrid iima diidin inaan waraysi siiyo saxaafada Catalonia” – Kiko Casilla

(Madrid) 09 Maajo 2016 Goolhayaha labaad ee kooxda Real Madrid Kiko Casilla ayaa beeniyay warar lafaafiyay xalay kadib markii la sheegay in loo diiday inuu la hadlo saxaafada Catalonia.

29 jirkaan reer Spain oo ka soo jeeda gobolka Catalonia ayaa beeniyay in kooxda Real Madrid ay u diiday inuu waraysi siiyo saxaafada gobolkaas kadib guushii Real ay ka gaartay xalay kooxda Valencia.

“Waxaan doonayaa inaan cadeeyo in Real Madrid aysan iidiidin inaan waraysi siiyo saxaafada Catalonia” ayuu yiri goolhaye Kiko Casilla.

“4 Sano ayaa iiga hartay qandaraaskayga Real Madrid, raaxo ayaana ku dareemayaa kooxdaan, taas ayaana cadaynaysa qorshahayga mustaqbalka”.

“Guushii aan ku soo gaarnay Camp Nou waxay nasiisay kalsooni buuxda, waxaan haysanaa fursad aan ugu guulaysan karno horyaalka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close