Mourinho oo isku diyaarinaya in Ozil uu geeyo Old Trafford

(London) 09 Maajo 2016 Kubadd sameeyaha kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa si lama filaan ah loola xiriiriyay kooxda Man United kadib markii shaki lagaliyay mustaqbalkiisa Gunners.

Tutto Mercato ayaa shaaca ka qaaday in Mesut Ozil ay suurogal tahay inuu macsalaameeyo taageerayaasha Arsenal dhamaadka xiliciyaareed kan isaga oo la midoobi doona tababarihiisii hore ee Jose Mourinho.

Tababaraha reer Portugal ayaa la filayaa inuu la wareego shaqada kooxda Man United dhamaadka xiliciyaareed kan isaga oo badali doona Van Gaal oo ku fashilmay United.

Ozil ayaa horay u shaaciyay inuu ku faraxsanyahay joogitaankiisa Arsenal balse uusan rumaysnayn wararka la xiriira mustaqbalkiisa.

“Arsenal ayaan heshiis kula jiraa, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan joogo halkaan, ma aaminsani waxyaabaha ku aadan mustaqbalka, waxaan aaminsanahay oo kaliya xaalada aan haatan ku jiro” ayuu yiri Ozil.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close