Floyd Mayweather iyo Conor McGregor oo qarka u saaran inay fooda isku daraan feerkii ugu qaalisanaa ebid…(Ma aamini kartid inta ku kaceysa)

feer1

(America) 09 Maajo 2016.  Floyd Mayweather iyo Conor McGregor ayaa qarka u saaran inay ogolaadaan feerkii ugu qaalisanaa ebid taariikhda.

The Sun ayaa daaha ka rogtay in feeryahanka aan marna dhinaciisa dhulka la dhigin ee Mayweather uu ka fikirayo mid ka mid ah feerkii ugu waynaa ebid taariikhda mid ku kacaya one billion kaa oo ay isku food saari doonaan xiddiga UFC, waxaana lagu wadaa inuu ka dhoco xagaaga Las Vegas.

Money Mayweather oo iminka isaga fariistay feerka isagoo waliba heysta rikoodh 49-feer oo aan marna laga adkaan ayaa lagu wadaa inuu faa’iido dhan £100million ka helo halka McGregor uu isna guriga u qaadan doono 7-milyan oo bound.

feer2

Labada feeryahan ayaa  lagu wadaa inay saxiixaan warqadaha ogolaanshaha, waxayna sheegayaan ilo wareedyo la helayo in usbuucyada soo socda lagu dhawaaqi doono feerkan.

Dagaalka ayaa waxaa markii hore kiciyay Conor oo yiri inuu 30-ilbiriqsi dhulka ku dhigayo Floyd haddii ay isqabtaan, aabaha Mayweather ayaa xaqiijiyay in wada hadalada feerkan uu socdo halka isla feeryahanka uu qiray inay suuro gal tahay inuu qabsoomo.

feer

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close