Tababaraha Valencia oo weerar ku qaaday garsooraha kadib goolkii Benzema

(Madrid) 08 Maajo 2016 Tababaraha kooxda Valencia Pako Ayestaran ayaa ka hadlay guul daradii caawa ka soo gaartay Real Madrid oo 3-2 ugu awood sheegatay.

Garsooraha ciyaarta ayaa ku tilmaamay gool sax ah gool uu dhaliyay Karim Benzema kaas oo ka caraysiiyay tababare Pako Ayestaran.

53 jirka reer Spain ayaa sheegay in garsooraha ciyaarta uu ka eexday kooxdiisa isla markaana uu sababay inay ku hor ku faan Real Madrid.

“Ma nihin kooxda garsooruhu uu ka caawiyay guusha, nasiib xumo dhanka garsooraha ah ayaa naheshay, garsooruhu kuma guulaysan maamulka ciyaarta” ayuu ku dooday Pako Ayestaran.

“Ma fahmi karo sababta garsooruhu uusan u arkin Offside-ka Benzema, waxaan aaminsanahay in barbaro ay ahaan lahayd natiijo cadaalad ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close