Rodrigo oo shaaciyay sababtii garsooruhu uu casaanka u siiyay kulankii Real Madrid

(Madrid) 08 Maajo 2016 Kooxda Real Madrid ayaa 3-2 ugu awood sheegatay dhigeeda Valencia kulan muran badan ka dhex abuuray saxaafada dalka Spain.

Garsooraha ciyaarta ayaa ogolaaday ansixinta gool uu muran ku jiro oo uu dhaliyay weerar yahanka reer France ee Karim Benzema.

Weerar yahanka 25 jirka ah ee kooxda Valencia Rodrigo ayaa casaan ka qaatay kooxdiisa daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ciyaarta kadib markii uu aflagaadeeyay garsooraha ciyaarta.

Laacib kaan ayaa sheegay inuu ku yiri garsooraha “Waxaad tahay fulay” xili uu ka gadoodsanaa goolkii Benzema taas ayaana keentay in casaan loo taago sida uu u sheegay wargayska Marca.

“Waxaan ku iri calanwaduhu waa fulay, mararka qaar daal ayaad dareemaysaa waxaadna dhahaysaa wax yaabo aan loo baahnayn inaad tiraahdo” ayuu yiri Rodrigo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close