Luka Modric oo la xaqiijiyay inuu seegi doono kulanka caawa ee Valencia

Modric ruled out of Real Madrid's clash with Valencia

(Madrid) 08 Maajo 2016 Tababare Zidane ayaa helaya war uusan ku farxin kadib markii la xaqiijiyay in laacibkiisa qadka dhexe ee Luka Modric uu seegi doono kulanka caawa ee Valencia.

Real Madrid ayaa soo dhawayn doonta maqribnimada caawa kooxda Valencia iyaga oo indhaha ku haaya guul ay gaaraan si ay qalqal ugu abuuraan Barcelona iyo Atletico Madrid oo hogaanka u haaya Horyaalka.

Kooxda ayaa xaqiijisay in Luka Modric uusan ciyaari karin kulanka Valencia kadib markii ay soo wajahday dhibaato dhanka murqaha ah.

“Luka Modric ma ciyaari doono kulanka Valencia ee ka dhici doona Santiago Bernabeu, kadib dhibaato dhanka murqaha ah oo soo wajahday” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Real Madrid.

Luka Modric ayaa kula biiraya Navas, Bale iyo Dani Carvajal ciyaartoyda seegaya kulanka adag ee Valencia.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close