LA LIGA: Real Madrid oo tiri kaama haro Barcelona kaddib markii ay soo dar-dartay Valencia…(Ronaldo oo labo jeer shabaqa tagay)+SAWIRRO

(Madrid) 08 Maajo 2016. Real Madrid ayaa guul wayn ka gaartay Valencia oo ay ku marti galisay Beranbeu 3-2. Los Blancos iyo Barcelona oo isku dhagan waxaa kala saari doona min halka kulan ee u harsan.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay iyadoo ay Real Madrid ku hogaamineyso 2-0.

Mashiinka gool dhalinta ee Cristiano Ronaldo ayaa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 26- aad ee ciyaarta kaddib markii uu laad dusan oo dhulka ku socda dhinac dhigay goosha.

Karim Benzema ayaa goolka labaad u dhaliyay Real Madrid daqiiqadii 42-aad kubbad ay doodi ku jirto saxnaanshaheeda.

Ronaldo ayaa cago wareejis ku soo maray mid ka mid ah daafacyada Valencia wuxuuna bannaanka u soo dhigay kubbada Benzema oo ku jira offside oo cirib ku laabay waxaana soo bixiyay goolhayaha, dabadeed ayaa waxaa baas khaldan soo celiyay xiddig ka tirsan Valencia sidaa ayuuna ku dhaliyay wiilka reer France.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 55-aad waxaa Valencia gool u dhaliyay Rodrigo.

Balse afar daqiiqo uun kaddib Cristiano Ronaldo ayaa u jawaabay kaddib markii uu gool u badalay laad kululna qabadsiiyay kubbad uu ka helay James Rodriguez.

Valencia ayaa la timid goolkeedii labaad daqiiqadii 81-aad waxaana gool qurxoon u dhaliyay Andre Gomes oo goosha ka toogtay meel 20-yard u jirta.

SAWIRRO:

Ch8d5MuWsAECuTx

 Ch8fqtkXIAAfo1X   Ch8jwU_WwAAbcun Ch8o4huWsAE6BkJ  1462721701799_lc_galleryImage_Football_Soccer_Real_Madr

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close