Arsenal oo cagta saartay wadadii ay ku soo xerogalin lahayd Daniel Sturridge

(London) 08 Maajo 2016 Kooxda Arsenal ayaa la soo sheegayaa inay diyaar u tahay soo xero galinta weerar yahanka kooxda Liverpool Daniel Sturridge kaas oo aan boos joogto ah ka haysan kooxda macalin Klopp.

Mirror ayaa shaaca ka qaaday in tababare Arsene Wenger uu kula heshiiyay maamulka Arsenal in si dhaqso ah loo dadajiyo saxiixa Daniel Sturridge.

Tababare Wenger ayaa diyaar u ah inuu ku dalbado Daniel Sturridge aduun lacageed dhan 30 milyan oo Ginni suuqa kala iibsiga ee xaggaaga.

Arsene Wenger looks dejected after seeing his side concede

Arsenal ayaa horay u doonaysay Daniel Sturridge ka hor intii uusan ku biirin kooxda Liverpool, Wenger ayaana doonaya inuu ka faa’idaysto boos la’aanta ku haysa Liverpool.

Wenger ayaa u arka in Daniel Sturridge uu xalin karo dhibaatada kooxdiisa ka haysata dhanka weerarka taas ayaana keenaysa inuu ka gudbiyo dalab qaali ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close