AQRISO: Wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

(Europe) 08 Maajo 2016. Aqriste waxaan halkan kugu heynaa oo aan kuu soo ururinay wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Ka aqri halka hoose:

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Chelsea Cesc Fabregas ayaa ku gacan seyray dalab wayn oo kaga yimid Shiinaha, kaa oo ku kacaya usbuuciiba adduunka ka badan £200,000. (The Sun).

Ryan Giggs ayaa isaga tagi doona Manchester United haddii xilka loo dhiibo sida la filayaba Jose Mourinho kal ciyaareedka soo socda. (People).

Real Madrid ayaa diyaar u u ah inay quusiso Man United iyo Man City qorshahooda ku aadan inay la soo wareegaan Robert Lewandowski 80-milyan oo bound.(Daily Star).

Manchester City ayaa ku dhow inay Barcelona ku garaacdo saxiixa Sime Vrsaljko ee garabka midig ee dambe kaga ciyaara Sassuolo ee ka dhisan Talyaaniga. (Daily Star).

Arsenal ayaa sameyn doonta dalab dhan 30-milyan oo bound si ay u hesho dhaliyaha Liverpool Daniel Sturridge marka uu furmo suuqa kala iibsiga. (Sunday Express).

Tababaraha cusub ee Chelsea Antonio Conte ayaa doonaya inuu keeno Blues dhaliyaha ay dhalashada wadaagaan ee kooxda Southampton Graziano Pelle wuxuuna ka fikirayaa inuu ku keeno 8-milyan oo bound. (Sun on Sunday).

Xiddiga bartilmaameedka u ah Manchester United, Chelsea iyo Arsenal ee Marqhuinos oo 21-jir ah ayaa ka careysan inuu boos joogta ah ka la’yahay kooxdiisa PSG, wuxuuna daafaca waydiinsan doonaa inuu ka tago kooxda marka uu wada hadalo la yeesho maamulka sare kaddib final ka French Cup ay PSG la ciyaari doonto Marseille 21-ka bisha. (Mundo Deportivo via Sunday Express).

Weeraryahankii hore ee Newcastle United Hatem Ben Arfa oo 29-jir ah ayaa lagu wada inuu u dhaqaaqo Barecelona sanad uun kaddib markii uu  ku biiray kooxda reer France ee Nice. (Sport via Mail on Sunday).

Chelsea ayaa sidoo kale ku tartami karta saxiixa Ben Arfa, maadaama xiddigeeda qadka dhexe ee Oscar uu wada hadalo uu kooxda kaga tagayo kula jiro horyaaladda Talyaaniga ee Juventus. (La Stampa via Daily Star Sunday)

Tababaraha Crystal Palace Alan Pardew ayaa saxiixi doona heshiis cusub kaddib markii ay kooxda ka dhisan koonfurta London ay xaqiiqsatay booskeeda Premier League. (London Evening Standard).

Goolhayihii hore ee Arsebak Wojciech Szczesny ayaa aaminsan in Radja Nainggolan oo ay ka wada tirsan yihiin AS Roma isla markaana bartilmaameedka u ah Chelsea uu awoodo inuu ka soo dhaleeli karo Premier Leageu haddii uu ku biiro (FourFourTwo).

Daafaca Man United Matteo Damian ayaa seegi kara Final FA Cup kaddib dhaawac  lugta ah oo soo gaaray kulankii shalay ee Nowich City. (Manchester Evening News).

Tababaraha Manuel Pellegrini ayaa rajeynaya inuu shaqo kale ka helo Premier League marka uu ka tago Man City dhammaadka xilli ciyaareedkan. (Qof marqaati ah)

Waxaa kuu soo ururiyay: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).

jariirad

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close