Sababta uuThibaut Courtois uga tagi karo Stamford Bridge xagaaga

Britain Soccer Premier League

(London) 07 Maajo 2016. Thibaut Courtois waxa uu u muuqdaa mid ka tagaya Stamford Bridge.

Waxaa la soo wariyey in ololahan oo dhan uusan la dhacsaneyn goolyahaya kooxda Cheslea sababao la xiriira bandhigyadii liitay iyo difaac xumada naadiga.

Laakiin waxaa sii kiciyey xaalada xiriirka kala dhexeeya mid ka mida tababareyaasha.

Sida laga soo xiganayo Mail, xiriirka Courtois uu la leeyahay mid ka mida tababareyaasha goolhayeyaasha Christophe Lollichon ayaa gabi’ahaanba bur buray, taas waxa ay meesha ka saareysa in xiddiga reer Belgium uu la sii joogi doono Blues.

lolli-210x300

Xiriir xumada ka dhexeeya labada shaqsi ayaa keentay hoos u dhaca ku yimi Courtois.

Warka waxa uu intaa ku darayaa in Courtois uu ku faraxsanaa magacabadii Conte, laakiin Talyaaniga oo la filayo sii haysashada Lollichon ayaa sheekada waji kale u yeeli doonta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close