Martial oo ku maadsadey Adnan Januzaj! (Maxaa dhacay?)

(Manchester) 07 Maajo 2017 – Maanta ma ahayn maalintii Adnan Januzaj’! Laacibkan reer Belgian ayaan wax kulan ah u dheelin kooxda Manchester United tan iyo 28-ka Febraayo, balse wuxu ka mid ahaa laacibiinta kaydka kululaynaysey kulankii haatan dhamaadaday ee Norwich City.

Waxay u muuqatey in Louis van Gaal uusan aqoonin wax uu ku sameeyo Januzaj maaddaama uu waydiistey inuu laacibkan garabka ihi uu is kululeeyo kahor intii uusan misna amrin inuu iska fariisto, isagoo dhowr mar taas ku cel celiyey.

Go’aankan ayaa ka qosliyey qannaas-yaraha Anthony Martial, oo la arkayey isagoo ku camiranaya saaxiibkii, waloow xitaa Januzaj uu ku muuqdey mid dhanka maadda leh ka eegay oo niyadda iska leh; ”wax lagu qoslo waa tahay”.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close