SAWIRRO: Cristiano Ronaldo oo daawaday kulan Taynis ah oo ay isaga hor’imaanayeen labo saaxiibadiis ah… (Rafael Nadal vs Joao Sousa)

(Madrid) 06 Maajo 2016 – Xiddiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo oo maskaxda ku haya in laga sugayo inuu ku guuleysto horyaalka La Ligaha Spain xilli ciyaareedkan ayaa daawaday kulan ciyaareed Taynis ah oo ay isaga hor’yimaadeen labo ciyaaryahan oo saaxiibadiisa ah.

Xiddigaha isaga horyimid kulankan Tayniska ah oo ahaa siddeed dhammaadka Madrid Open ayaa waxaa ay kala yihiin Rafael Nadal iyo Joao Sousa, waxaana guusha qaatay kulankan Nadal.

Cristiano Ronaldo ayaa soo xaadiray halka la yiraahdo Caja Magica, halkaasoo ay isku qabteen saaxiibkiis Rafael Nadal iyo xiddiga ay isku waddanka yihiin ee Joao Sousa.

Nadal ayaa ku adkaaday kulankan sad gaaraya 6-0, 4-6, 6-3, waxaana uu afar dhammaadka tartankan la ciyaari doonaa Andy Murray.

Dhinaca kale Ronaldo kooxdiisa Real Madrid ayaa waxa ay hal dhibic ka dambaysaa hoggaamiyeyaasha horyaalka la ligaha Spain ee Barcelona.

SAWIRRO:

1

2

3

4

5

9

10

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close