RASMI: Verratti oo ka quustay Koobka Qaramada Yurub!

(Paris) 16 Maajo 2016 – Haatan waa la hubaa, Marco Verratti wuxuu si kama dambayn ah u seegay Euro 2016, maaddaama laacibka khadka dhexe e PSG loo diyaarinayo qalliin hor leh kaasoo dhici doona 16-ka bishan Maajo.

Laacibkan hibada kubadeed leh ee reer Talyaani ayaa qalliinkan dambe looga xallinayaa sheelo ciyaareed uu muddo la tacaalayey, jeer ay fashilmeen isku dayo joogto ahaa oo lagu xallin lahaa dhibaatada heysta.

Paris Saint-Germain ayaa sii daysey warka xaqiijinaya in Verratti lagu qali doono magaalada isbitaalka Dooxa ee Aspetar 16-ka bishan, isagoo maqnaan doona qiyaastii 8 todobaad taasoo seejin doonta Euro 2016.

Maqnaanshaha laacibkan oo dhowaantan qandaraas soconaya ilaa 2020 la gaarey PSG ayaa jug kale ku noqonaysa Talyaaniga oo horay u waayey adeegga Claudio Marchisio.

Euro 2016 ayaa bilaabmi doona 10-ka Juun isagoo xirmi doona 10-ka Luulyo.

TURIN, ITALY - MARCH 31:  Marco Verratti of Italy in action during the international friendly match between Italy and England at the Juventus Arena on March 31, 2015 in Turin, Italy.  (Photo by Marco Luzzani/Getty Images)
TURIN, ITALY – MARCH 31: Marco Verratti of Italy in action during the international friendly match between Italy and England at the Juventus Arena on March 31, 2015 in Turin, Italy. (Photo by Marco Luzzani/Getty Images)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close