RASMI: Macallin Massimiliano Allegri oo heshiiska u kordhiyey kooxdiisa Juventus

ChyNPKYXEAEgfVh

(Turino) 06 Maajo 2016 – Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Massimiliano Allegri uu heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxda.

48-sano jirkaan Allegri ayaa kooxdiisa Juventus u kordhiyey heshiis cusub oo ku eg ilaa sanadka 2018-ka, waxaana heshiiskiisa haatan uu ka dhacayey xagaaga 2017.

Waxa ay Juventus dooratay inuu macallin Allegri u saxiixo heshiis cusub 12 bilood oo hor leh.

“Kooxda kubadda cagta Juventus waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo in Massimiliano Allegri uu saxiixay heshiis kordhin kaas oo kooxda ku sii hayn doona ilaa 30 bisha june 2018” ayuu u dhignaa qoraal ay Juventus ku xaqiijisay heshiis kordhinta Massimiliano Allegri.

Inta uu Allegri la joogay Juventus waxa ay ku guuleysatay labo horyaalka Serie A ah iyo hal Coppa Italia.

Sidoo kale waxa ay gaareen final-ka Champions League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, markaasoo ay ka qaaday Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close