Maxaad uga baahan tahay inaad ka ogaato kulanka maanta ee Dekedda iyo Jeenyo, kaasoo go’aamin kara  hanashada horyaalka?

(Muqdisho) 06 Maajo 2016 – Kooxaha ku dagaalamaya safka hore horyaalka Soomaaliya ee Jeenyo iyo Dekedda ayaa galabta kulan xiiso badan waxa ay ku wada ciyaari doonaan garoonka Koonis degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir.

Labada kooxood ayaa galabta kulankooda waxa uu go’aamin karaa hanashada horyaalka Soomaaliya maadaama laga sarreeyo labadooda ilaa lix dhibcood.

Kooxda Banaadir ayaa tilaabo u jirta hanashada horyaalka Soomaaliya, iyadoo ku hoggaamineysa 38 dhibcood, halka kooxaha ku xiga ee Dekedda iyo Jeenyo ay wada leeyihiin min 32 dhibcood.

Toddobadii ciyaar ee ugu dambeysay oo ay wada ciyaareen labadaan kooxood waxa ay iska dhaliyeen 17 gool, waxaana 13 ka mid ah dhalisay kooxda Jeenyo.

Kulankii ugu dambeeyay ay wada ciyaaraan labadan kooxood waxaa 3-0 guusha ku qaadatay kooxda Jeenyo.

Maadaama ay isku dhibco yihiin kooxahaan hadane naadiga Jeenyo United ayaa farqiga goolasha ugu jirta kaalinta labaad.

Cabaas Aamiin Maxamed ayaa dib ugu soo laabtay kooxda maadaama uu calaamadda gaduudan ku maqnaa kulankii ugu dambeeyay, halka xiddiga C/casiis Hoomeey uu kulankaan ka maqan yahay.

Kulamada Go’aamin doono hanashada horyaalka ee  kooxda Banaadir.

1: Kulanka maanta oo jimco ah dhex mari doono kooxaha Dekedda iyo Jeenyo ayaa ah ciyaarta go’aamin karta hanashada horyaalka ee kooxda Banaadir sababtoo ah in labadan kooxood ay ku kala tagaan barbaro waa tan soo gabo gabeyneysa rajada labadaas kooxood ay ka qabaan hamiga horyaalka, iyadoo Banaadir ay sidaas ugu guuleysaneyso horyaalka waa haddii ay barbaro ku kala tagaan Jeenyo iyo Dekedda.

2: Midkood haddii ay badiyaan kooxaha Jeenyo iyo Dekedda oo dhanka kale kooxda Banaadir ay barbaro ka hesho naadiga Gaadiidka ama ay ka badiso waxa ay xaqiijin doontaa hanashada horyaalka.

Kooxda Jeenyo ayaa ciyaartii ugu dambeysay waxa ay barbaro 0-0 la dhaafi weysay naadiga Elman, halka Dekedda ay 1-0 uga adkaatay naadiga Gaadiidka.

dekeda

Natiijooyinka Toddobadii ciyaar ee ugu dambeysay labada kooxood:-

11/07/2012   Dekedda      1 : 1   Jeenyo FC

27/10/2012   Jeenyo FC   1 : 1   Dekedda

13/01/2014   Dekedda      0 : 3   Jeenyo FC

13/03/2014   Jeenyo FC   1 : 1   Dekedda

19/02/2015   Dekedda      0 : 1   Jeenyo FC

21/05/2015   Jeenyo FC   3 : 0   Dekedda

15/02/2016   Jeenyo FC   3 : 1   Dekedda

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close