Dekedda oo guul dirqi ah ka gaartay Jeenyo

(Muqdisho) 06 Maajo 2016.Kooxda Dekedda ayaa guul ka gaartay naadiga Jeenyo ciyaar ka tirsan horyaalka Soomaaliya oo ay galabta  wada ciyaareen.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar si weyn loogu riyaaqay waxaana qeybtii hore lagu kala nastay bar baro 0-0.

Markii dib  la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda  Dekedda waxa ay la timid gool cajiib ah waxaana madax xoogan shabaq ku hubsaday xiddiga lambarka 7’aad ee Dekedda Idiris Aamiin Cali.

Kooxda Dekedda ayaa ka difaacatay goolkaas iyadoo ciyaartooyda kooxda  Jeenyo ay soo qaadeen weeraro is dabo jog ah, waxaana waqtigii loogu tala galay ay kusoo dhamaatay 1-0.

Sikastaba Dekedda ayaa si toos dhanka dhibcaha ugu soo gashay kaalinta labaad, waxaana Jeenyo laga riday booska saddexaad, waxaana xusid mudan in haddii ay bari badiso Banaadir ama ay bar baro gasho ay u dabaal dagi doonto horyaalka Soomaaliya.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close