EL: Kooxaha Liverpool iyo Sevilla oo isugu soo haray final-ka Europa League + Sawirro

(Liverpool) 05 Maajo 2016 – Kooxaha Liverpool iyo Sevilla ayaa u soo baxay kama dambaysata tartanka Europa League, kaddib markii ay ka kala adkaadeen Villarreal iyo Shakhtar Donetsk.

Liverpool ayaa 3-0 ku dardartay Villarreal oo ay ku soo dhawaysay garoonkeeda, waxaana goolka hore uu ahaa mid iska dhalis ah oo xiddiga Bruno Soriano uu iska dhaliyey daqiiqadii 7-aad, sidaas ayaana lagu kala nastay 1-0 ay ku gacan sarreysay Reds.

Qeybtii labaad markii dib la isugu soo laabtay 63’daqiiqo waxaa goolka labaad ee Liverpool dhaliyey Daniel Sturridge, waxaana 71′ daqiiqo kaarka cas ka qaatay Villarreal xiddigooda Victor Ruiz.

Goolka saddexaad ee Liverpool ayaa yimid ciyaarta oo ay ka harsan tahay wax ka yar 10 daqiiqo waxaana ugu shubay Adam Lallana, sidaas ayayna Liverpool ku adkaatay 3-0, iyadoo cel celis ahaa 3-1 ku gaartay kama dambaysata Europa League, maadaama lugtii hore ay Villarreal ku soo adkaatay 1-0.

Dhinaca kale, kooxda Sevilla ayaa gaartay final-ka Europa League, markii ay 3-1 ku dharbaaxday Shakhtar Donetsk oo marti u ahayd, waxaana lugtii hore ay ku soo dhammaatay barbaro 2-2, sidaas ayeyna Sevilla ugu soo baxday final-ka tartankan cel celis ahaan goolal gaaraya 5-3. Kooxaha Liverpool iyo Sevilla ayaa wada ciyaari doona final-ka tartankan oo Basel ka dhici doona.

b b1 b2 b5 b6 b7 b8 b9 b10 b11 b12 b13 b14 b15 b16

b

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close