DEG DEG: Xiriirka FA-ga oo ganaax garka u galiyay Marouane Fellaini iyo Robert Huth

(England) 05 Abriil 2016. Xiriirka kubbada cagta Ingiriiska ee FA Cup ayaa ganaax garka u galiyay xiddigaha Marouane Fellaini ee u safta Man United iyo daafaca xooga badan ee kooxda  Leicester City Robert Huth.

Huth ayaa tinta ka jiiday Fellaini kulankii dhawaa ay bar-baraha galeen  ciyaar ka dhacday Old Trafford axadii halka Fellaini uu isna suxul ugu jawaabay waxaana labadooda lagu ganaaxay min saddex kulan.

Tima wayanaha reer Belgium ayaa nasiib u leh inuu ka soo muuqdo finalka FA Cup ay kooxdiisu la yeelaneyso Crystal Palace maadaama Man United oo ku jirta kaalinta shanaad uu horyaalka uga harsan yahay saddex kulan.

Wuxuu seegi doonaa saddexda kulan ay kooxdiisa Red Devils ay la yeelan doonto Norwich, West Ham iyo Bournemouth.

Huth oo isagu kooxdiisa Leicester City loo caleemo saaray horyaalnimada Premier Leageu ayaa ka maqnaan doona labada kulan ee harsan Foxes ay la kala yeelan doonto kooxaha Eveton iyo Chelsea.

feer

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close