Daily Mail oo baahisay war ku saabsan Eden Hazard oo ka farxinaya taageereyaasha Chelsea

Milton Keynes Dons v Chelsea - The Emirates FA Cup Fourth Round

(London) 05 Maajo 2016. Eden Hazard ayaa lagu soo waramayaa in uu badalay niyadiisa hada uu go’aansaday in uu la sii joogo Chelsea si uu uga soo hoos ciyaaro Antonio Conte.

25 jirka waxaa loo doortay ciyaaryahanka sanadka ee Premier League (PFA Player of the Year) ololihii hore kaddib markii uu Chelsea ku hogaamiyey horyaalka.

Belgium-ka waxaa la filayey in uu ka tagayo Stamford Bridge xagaaga waxaana isku haystay Real Madrid iyo PSG.

Hase yeshee, Daily Mail waxaa laga soo xiganayaa in laacibkii hore ee Lille uu door bidayo ka hoos ciyaarida tababaraha reer Italy ugu yaraan ololaha dambe.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close