Zinedine Zidane oo ballan qaaday inuu xal u raadin doono saraawiisha ka jeexanta!

(Madrid) 04 Maajo 2016 – Zinedine Zidane ayaa isku dayaya inuusan markale la kulmin yax yaxa ka qabsaday saraawiishiisa jeexmaysa isagoo ballan qaaday inuu qaadan doono saraawiil cabirkoodu wayn yahay.

Macallinka Real Madrid ayaa markii hore surwaalku uga jeexmay kulankii ay bishii hore 3-o ku dhufteen Wolfsburg, kahor intii aysan sidaa oo kale ka dhicin bareejadii todobaadkii tegey ee ay 0-0 la noqdeen Manchester City.

Balse mar uu BT Sport uu arrintan waydiiyey mar uu ka hadlayey shirkii jaraa’id ee kulanka haatan soconaya ee ka dhacaya Santiago Bernabeu, wuxuu Zidane ku jawaabey: “Waxaan qaadan doonaa saraawiil ka cabir wayn kuwii hore.”

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close