TOLOOW KEEN DOORTAA?: Zinedine Zidane oo jahwareersan ka hor kulanka caawa ee Man City

zidaane

(Madrid) 04 Abriil 2016. Real Madrid ayaa caawa kulan dhimasho ama  nolol ah garoonkeeda Bernabeu kula yeelan doonta kooxda Man City lugta labaad ee wareega afar dhammaadha Champions League.

Guul ay gaarto kooxda Los Blancos ayaa uga filnaan doonta inay u soo baxdo Final ka Champions League maadaama lugtii hore ay 0-0 ku soo gashay Ingiriiska.

Casemiro iyo Karim Benzem ayaa ka maqnaan doona kulanka muhiimka ah ee caawa, halka Ronaldo qudhiisa warar badan laga yiri inkastoo ay u badan tahay in garoonka la tusi doono.

Sikastaba, tababare Zidane ayaa ku jah wareersan cidda uu u xulan lahaa boosaska ay ka maqan yihiin Casemiro iyo Benzema maxaa yeelay labada badelka u ah weeraryahanka reer France ee Jese Rodriguez  iyo Lucas Vazquez ayaa dhawaanahaanba wacdaro dhigayay.

Isco, James Rodriguez iyo Mateo Kovacic ayaa sidoo kale u fadhiya booska Casemiro oo ay tahay in Zidane uu mid ka soo doorto.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close