Paul Pogba oo ka hadlay sababta uu xiddig wayn ku noqday!

(Torino) 04 Maajo 2016 – Paul Pogba ayaa sheegay in horumarka uu sanadihii dambe sameeyay ay ugu dambeeyay ay abaalkiisa leedahay kooxda Juventus iyo xiddigeheeda sida “Gigi Buffon ama Andrea Pirlo”.

Laacibkan caalamiga ah ee French-ga ah ayaa Bianconeri kula soo biiray lacag yar oo aan wax la sheego mudnayn kaddib markii uu kasoo dhaqaajiyey Manchester United, isagoo 4-tii sano ee ugu dambeeyay kusoo baxay mid ka mid ah laacibiinta khadka dhexe ee ugu wanaagsan.

“Waa run inaan aad usoo hagaagey sanadihii dambe. Sababtu waxay tahay waxaa igu hareeraysnaa laacibiin waawayn oo aan isla waynayn aadna u dadaalaya adigana ku gelinaya inaad dadaashid,” ayuu Pogba u sheegay webka UEFA.com.

“Laacibiinta sida Gigi Buffon ama Andrea Pirlo. Waa kuwa aan ku daydo. Waxaan doonayaa inaan yeelo sidii ay yeeleen.” ayuu yiri.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close