Chelsea oo soo bandhigtay naqshada maaliyadeeda xill ciyaareedka dambe, taageereyaasha oo furka tuuray markii ay ogaadeen qiimaha lagu iibsan karo + xog waali ah oo Nou Camp xiriir la leh

(London) 04 Maajo 2016. Taageereyaasha CHELSEA waxa ay ku qasbanaan doonaan in ay bixiyaan £150 Pound si ay u xirtaan koobiga maaliyada kooxdooda ee xilli ciyaareedka dambe.

1

Naqshada cusub maanta ayaa la soo bandhigay balse tiro badan ayaa muujiyey caradooda qiimaha sare ku saabsan.

In aad gadato funaanad uu magac ku qoran yahay, lambar iyo loogada Premier League leh waxa kaaga baxi doona qiime la yaab leh oo dhan £106.95.

Buumaha waa £30, sigisaanta/sharabaado waa £13, isugu geynta isku jooga waxa uu imanayaa £149.95.

Qiimaha si aan micno kuugu yeelno, tikidhka loo goosto Camp Nou si aad u daawato xilli ciyaareedkan dhan ee Barcelona waxaa kaaga baxaya £74.

Chelsea Home kit 2016/17
Chelsea Home kit 2016/17
Chelsea Home kit 2016/17
Chelsea Home kit 2016/17

4

Taageereyaasha waxa ay fal celintooda la beegsadeen Twitter-ka, hoos ka aqri qaar aan idiin soo xulnay:

12

___ £101.95 oo funaanad kubadd cag ah, waa waali dhab ah iyo iimaan lihi cad.

___ Taageereyaasha caadiga qiimaaga waalaga fogeeyey.

____ Chelsea oo 100 Pound ku qiimeysay magac. lambar sida “Adi Zero,  oo waliba ah maaliyadii guriga waa ceeb weyn.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close