AQRISO: Waa maxay Rikoodhadii laga diiwaan galiyay ciyaartii ay Real Madrid ugu soo gudubtay Final ka Champions League….(Los Blancos oo rikoodh cusub sameysay)

sawir

(Madrid) 04 Maajo 2016. Kooxda Real Madrid ayaa isa soo taagtay Final ka Champions League kaddib markii ay cagta marisay Man City oo ay ku marti galisay Bernabeu.

Haddaba waxaan aqriste kuu soo ururinay waxyaabihii laga bartay kulankan ee ka boggo.

Real Madrid waxay gaartay Finalka Champions League markii 14-aad waana kooxda ugu badan ebid taariikhda tartankan.

Goolhayaha Real Madrid ayaa bar-bareeyay rikoodhka goolhayaha kulamadii ugu badnaa hal xilli ciyaareed Champions League ee shabaqiisha ilaashada 9-kulan wuxuuna ka bar-bareeyay Santi Cañizares.

Real Madrid vs Atletico Madrid waa markii 3-aad taariikhda Champions League ay labo koox wada ciyaaraan Final ka labo jeer waxaa horey sidaa u sameeyay Liverpool v Milan iyoBarcelona v Man Utd.

Real Madrid waa kooxda ugu badan taariikhda Champions League ee ka faa’iida goolasha loo yaqaano own goal 13-jeer.

Ronaldo ayaa 7- isku day sameeyay kulankii caawa waana in kabadan 2-jeer isku darka dhammaan inta ay sameeyeen xiddigaha Man City.

Cristiano Ronaldo ayaa saftay kulankiisii 17-aad ee semi final ka Champions League si uu Xavi Alonso ugula biro dadka kulamada ugu badan ciyaaray.. Khibrad.

Ronaldo ayaa dhaliyay labo jibaar goolasha ay Man City ka dhalisay tartanka Champions League 16-gool halka laacibiinta Man City isku dar ay dhaliyeen 8-gool.

Toni Kroos ayaa sameeyay 53-taabasho qeybtii hore ee ciyaarta in kabadan ugu yaraan 19-taabasho ayuu dheer yahay laacib kasta oo Man City Yaya Toure ayaa sameeyay 34.

Ronaldo ayaa dhaliyay sideed gool saddexdii kulan ee ugu dambeysay Champions League ee ku ciyaaro garoonkooda.

Real Madrid ayaa dhalineysay goolal kulankasta 30-kii kulan ee ugu dambeeyay ay garoonkeeda ku ciyaarto Champions League.

10-kulan ayuu shabaqiisa ilaashaday goolhayaha Real Madrid Navas 11-kulan uu ciyaaray Champions League waayihiisa ciyareed.

Shan kulan ayay Real Madrid xilli ciyaareedkan ku ciyaartay garoonkeeda tartanka Champions League midkoodna wax gool ah lagama dhalin oo shabaqeeda way wada ilaashatay.

Ka hor kulankii caawa Man City ayaan laga adkaan lix kulan tartanka Champions League waana waqtigii ugu dheeraa ay guul darro iska ilaaliso tartankan, 3-guul iyo 3-bar-baro.

Hal jeer lagama adkaan Real Madrid 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ay kooxaha Ingiriiska la ciyaarto Champions League 6-guul iyo 3-bar-baro.

5-tii Final ee ugu dambeysay Champions League waxaa ugu yaraan qeyb ka ahaa hal koox oo Spain ka soo jeeda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close