“Waan sugi la’ahay inaan arko isagoo KASTUUMO bis ku fadhiya istuudiyaha.”.

(England) 03 Maajo 2016. Indhaha oo idil waxay ku fooraraan xiddiga TV-ga, saxafiga caanka ah ee Gary Lineker kaa oo ballan qaaday inuu KASTUUMO oo kaliya ku soo fariisan doono istuudiyaha haddii ay Leicester City ku guuleysato horyaalka Premier League.

Gary Lineker oo u safan jiray kooxdan lagu naaneyso Foxes ayaa bishii December ballan qaaday inuu sidaa sameyn doono oo uu barnaamijkiisa Match of the Day ku tabin doono isagoo xiran NIGIS oo kaliya haddii ay kooxdiisa hore hanato horyaalka.

Wax dambi ah malahan Gary oo adiga, aniga iyo cidkastaa oo kale ma filayn in Leicester City loo caleemo saari doono horyaalnimada Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Xaaskii hore ee Lineker ee lagu magacaabo  Danielle Bux ayaa baraha bulshada soo dhigtay inay sugi la’dahay inay aragto saaxiibkeedii hore oo KASTUUMO ku fadhiyo istuudiyaha waxayna sidoo kale sheegtay inay rajeynayso in Matantaha uu soo xiran doono uu noqdo mid aad u cad.

Haddaba waxa la sugaba waa Gary Lineker oo ka dhabeeya ballankii uu qaaday maadaama Leicester City xalay l oo caleemo saaray horyaalnimada kaddib bar-barihii ay Chelsea ku celisay Tottenham.

kastum

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close