Higuain oo qarka u saaran inuu jebiyo rikoodh muhim ah oo u yaalla Serie A-da

(Roma) 03 Maajo 2016 – Laacibka weerarka ah ee Gonzalo Higuain, ayaa sanad-ciyaareedkan gaarey 32 gool 33 kulan oo uu saftay Serie A, isagoo 2 jeer midkoodba ka badan Bacca iyo Dybala oo kusoo xiga.

Laacibkan ayaa qarka u saaran inuu taariikhda galo, waayo haddii uu 35 gool dhaliyo wuxuu jebinayaa rikoodhkii qannaaskii reer Sweden iyo AC Milan ee Gunnar Nordahl, isagoo haddii uu 36 gaarana rikoodh cusub u dhigi doona Serie A oo ka noqonayo laacibkii goolashii ugu badnaa abid ka dhaliya hal fasal.

Haddaba eeg shaxda kala sarreeynta weerarradii soo maray Talyaaniga kuwooda ugu sarreeya ilaa haatan:

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close