Gerard Piqué oo CL ka tebey AC Milan iyo Inter Milan!

(Milano) 03 Maajo 2016 – Daafaca Barcelona ee Gerard Piqué ayaa rajeeyay in kooxaha Inter iyo Milan ay dhaqse ugusoo laabtaan Champions League.

Labada Milan ayaa sanadkii 3-aad oo xiriir ah seegi doona CL, waloow Inter ay sanadkii hore ciyaareysey EL, waana arrin uu liqi la’yahay Gerard.

“Waxay muquuranayaan xaalad adag, gaar ahaan marka dhanka maamulka la eego,” ayuu Piqué u sheegay Premium Sport.

“Waxaan rajaynayaa inay dhaqse usoo laabtaan. Waa laba kooxood oo taariikh heer caalami ah oo qurux badan leh, waxaan jeclahay inaan la ciyaaro waayo waa kooxo heer sare ah, jawiga San Siro isna waa mid cajiib ah aalaaba.” ayuu daba dhigay.

Gerard Piqué ayaa beryahan ku sugnaa Talyaaniga isagoo shalay ka qayb galay xaflad abaalmarinno lagu guddoonsiinayay laacibiinta AC Milan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close