“Waxaan doonaynaa inaan guul ku soo gaarno Munich” – kabtan Gabi oo hadlay

(Madrid) 02 Maajo 2016 Kabtanka kooxda Atletico Madrid Gabi ayaa ka hadlay kulanka ay u martin doonaan habeen dambe kooxda Bayern Munich ee koobka horyaalada yurub.

Gabi ayaa sheegay in kooxdiisa ay waajib ku tahay inay guul ka gaaraan Bayern Munich si ay u gaaraan Final-ka koobka horyaalada yurub kaas oo lagu qaban doono San Siro.

“Muhiim nooma ahan xaalka gudaha garoonka, wali ma arkin cawska Allianz Arena, laakiin diyaar ayaan u nahay inaan ku ciyaarno garoon walba wax walba oo uu ahaado” ayuu yiri Gabi oo ka jawaabay cabashadii uu Guardiola ka muujiyay cawska garoonka Atletico.

“Kooxda waxaa sugaya xiliciyaareed wayn waxayna u ciyaarayaan habkii ay doonaan, haatan waxaa na horyaala tijaabo adag, aad ayeey u adagtahay inaan guul ku soo gaarno Munich laakiin waxaan ku kalsoonahay nasiibkeena”.

“Waa inaan garaacnaa kooxda ugu fiican si aan u gaarno Final-ka Champions League, Bayern waa mid kamid ah kooxahaas”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close