Laacibka Soomaaliyeed ee kooxda Chelsea Mukhtar Ali Afgooye oo marti ku ahaa koobkii JENERAL DAA’UUD ee shalay lagu qabtay London…..(Kooxdee ku guuleysatay)+SAWIRRO XUL AH

(London) 02 Maajo 2016. Waxaa koofurta magaalada London ka dhacay koobkii sanadlaha ahaa ee Jeneral Daa’uud oo si wadajir ah ay u soo abaabuleen bahda isboortiga ee South London,iyadoo sanadkan ay ka soo qeyb galeen 10 koox oo ka kala timid wadanka Ingiriiska iyo Yurub.

Jawiga garoonka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan oo ay soo buux dhaafiyeen taageerayaal aad u tira badan oo ka soo kala socdaalay dhamaan magaalooyinka Somalida ay ku kala nool yihiin ee UK iyo wadamada Denmark iyo Sweden.

Cayaaraha oo isku waqti ka wada dhacay laba garoon oo ku yaala xaafada Wandsworth ayaa laba GROUP oo 5 iyo 5 loo kala saaray,runtii qaabka loo cayaaray wuxuu ahaa mid aad u xiiso badan oo  taageerayaasha kooxaha kala duwan ay aad ula dhaceen.

Waxaa si qaas ah loogu casuumay marti sharaf isugu jiray cayaaryahandii berisamaadka Somaliya iyo dhalinyaro macalimiin ah oo ka kala timid BIRMIGHAM,MANCHESTER iyo BRISTOL.

Maamulka sare ee JENERAL DAA’UUD waxay si gooni ah u casuumeen cayaaryahanka da’da yar ee CHELSEA iyo ENGLAND, Mukhtar Ali Afgooye oo furitaankii ka soo qeyb galay isla markaana waqti aad u dheer la qaatay marti sharaftii iyo cayaaryahandii ku sugnaa garoomada ay cayaaraha ka socdeen.

17

Mukhtar Ali ayaa aad ula dhacay taariikhda Jeneral Daa’uud,isagoo u sheegay in mar walba uu diyaar u yahay ka soo qeyb gelida cayaaraha ay qabtaan dhalinyarada qurba joogta.

Waxaa cayaartii FINALKA isu soo baxay kooxda WEMBLEY oo macalin u ahaa ABDI AXMED iyo kooxda ka socotay caasimadda labaad ee UK magaalada BIRMINGHAM, runtii waxay ahayd cayaar aad u xiiso badan oo xawaare ku socotay waxaana cayaartii lagu soo af-jaray 2 iyo 1 oo guushii ay ku raacday kooxda WEMBELY oo Guddoomiye u yahay MAXAMED BUUWE.

Daqiiqadii ugu dambeysay waxaa gool quruxda badan u dhaliyay kooxda WEMBLEY cayaaryahanka ALI HATLEY iyadoo goolhayaha kooxda BAAJABAL noqday MAN OF THE MATCH kaddib markii uu ka caawiyay kooxdiisa inay hanato koobka Jeneraal Daa’uud.

Waxaa intaa kaddib loo dareeray HALL wayn oo ay ka dhacday xaflad casho sharaf iyo bilad bixin ah oo si wadajir ah ay uga soo qeyb galeen dhamaan 10kii koox ee London martida ku ahaa.

MUKHATAAR IYO KOOXDA CHELSEA:

mukhtaar mukhtar mukhtar1 mukhtar2

DAAWO SAWIRRO XUL AH:

14

10

2 3 4 5 6 7 8 9  11 12 13  15 16  18

Goo FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close