Laacibka Muslimka ah ee Mohamed Salah …. (Sawir micno wayn ku fadhiya!)

(Rome) 02 Maajo 2016 – Ciyaaryahanka ka tirsan kooxda Chelsea ee haatan amaahda ugu jooga naadiga Roma ee waddanka Talyaaniga Mohamed Salah ayaa laga soo qaaday sawir micno wayn ku fadhiya.

Wiilka reer Masar ee Mohamed Salah ayaa la sawiray isagoo gacanta ku sita kitaabka qur’aanka Kariimka ah (Allaahu Akar), isla markaana ka soo baxaya xarun ku taala magaalada Roma, sawirkaas oo runtii ah mid micno wayn ugu fadhiya ummadda muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan.

Kooxda Roma waxa ay xilli ciyaareedka dambe ka qeyb galaysaa oo ay u soo baxtay tartanka Champions League, xiddiga muslimka ah ee Salah ayaana u dhaliyey 13 gool, 36 kulan oo uu u saftay.

Salah

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close