HOR DHAC: Chelsea Vs Tottenham Hotspur (Chelsea oo caawa soo af jari karta su’aashii ahayd goorma!)

(London) 02 Maajo 2016. Olole cajiib ah ayuu u ahaa Totenham Hotspur balse natiijo aan guul ahayn waxa ay caawa ka soo xiro doontaa rajadii ay ka qabeen hanashada Premier League.

Leicester City ayaa ku guuleysan doonta Premier League hadii ay caawa Cheslea guul daro iska ilaaliso.

12

WARARKA LABADA DHINAC

Chelsea

___ Thiabut Courtois waxa uu gudan doonaa  ganaaxii labaad balse waxaa badali doona Asmir Begavic.

___ Eden Hazard ayaa isna la qabaa in uu booskiisa xejisan doono kaddib markii uu dhaawaca ka soo laabtay kulankii Bournemouth halka Gary Cahil uu isna ka soo kacay xanuun waxa uuna wehelin doonaa Bransilav Ivanovic.

___ Kurt Zouma iyo Loic Remy labadaba waa dhaawac laakiin waxaa dib safka looga wacay Michael Hector iyo  Lucas Piazon.

 

Tottenham Hotspur

 

___ Dele Alli waxaa la ganaaxay inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

___ Mauricio Pochettino waxa uu booskiisa ku dabari doona Ryan Mason halka Mousa Dembele  hore loo riixi doono walow ay heegan yihiin Heung-min Son iyo Nacer Chadli.

___ Nabil Bentaleb dhaawac jilibka ah ayuu ku maqnaan doona, halka Eric Dier isna shaki ku jiro.

 

LA SOCO….

___ Chelsea iyada oo gegideeda ku dheeleysa guul daro kala kulmin Tottenham Hotspur tan iyo bishii Febraayo 1990.  17 jeer ayey ka badisay halka ay sideed isku garab dheceen 25 jeer oo ay isku fara saareen Stamford Bridge.

___ Spurs 25 jeer oo Premier League ah ayey guul daro kala kulantay, kaliya Manchester United oo 31 jeer garaacday ayaa uga wax yeelo badan tartankan.

___ Blues waxa ay guul daro kala kulmeen Machester City kulankii ugu dambeeyey ee ay gurigooda ku ciyaaraan –  laba jeer oo xiriir ah waxa ay ku guul dareysteen Stamford Bridge  bishii November 2011.

___ Spurs kulan ayaa laga badiyey 10-kii ugu dambeeyey ee ay London Derby ciyaarto (Shan wey badisay, afar bar bar dhac), hadii uu Harry Kane laba gool dhaliyo, waxa uu noqon doonaa ciyaaryahankii sideedaad ee 50 Premier league ku dhaliya waqtiga ugu dhaqsiyaha badan (47 jeer ayuu hada dheelay, kulanka caawa waa kii 48-daad.)

 

CIYAARYAHANADA LAGA SOO XULI DOONO SAFAFKA LABADA DHINAC

Chelsea: Begovic; Azpilicueta, Ivanovic, Cahill, Baba; Mikel, Fabregas; Pedro, Willian, Hazard; Costa

Spurs:Lloris; Walker, Alderweireld, Vertonghen, Rose; Dier, Dembele; Lamela, Eriksen, Son; Kane

 

Gegida: Stamford Bridge

Saacadda Geeska Africa: 10Pm

Dhex dhexaadiyaha: Mark Clattenburg

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close