Atletico Madrid oo gaartay dalka Jarmalka ka hor kulankeeda habeen dambe ee Bayern Munich

(Munich) 02 Maajo 2016. Atletico Madrid ayaa gaartay magaalada Munich ee dalka Jarmalka ka hor kulankooda habeen dambe ee kooxda Bayern Munich.

Kooxda ka dhisan Madrid ayaa gool iyo waxba ku soo adkaatay lugtii hore ee wareega afar dhammadka Champions League ee lagu soo ciyaaray Spain.

Bayern oo dooneysa inay ka jawaabto guul daradii soo gaadhay ayaan looga adkaan garoonkeeda kulan Yurub ah tan iyo semi final-kii CL ee 2014.

Aletico Madrid oo iyana dhinaceeda dhulka la dhigin 7-dii kulan ee ugu dambeeyay dhammaan tartamada ayaa diyaar u ah inay gaarto final-ka koobkan.

SAWIRRO:

atletcoo atletico1 atletico2 atletico3 atletico4

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close