“Waxaan u qalanay inaan guul ka gaarno Leicester City” – Wayne Rooney

(Manchester) 01 Maajo 2016 Kabtanka kooxda Man United Wayne Rooney ayaa ka hadlay barbarihii kooxdiisu ay lagashay galabta kooxda Leicester City oo marti ugu ahayd Old Trafford.

Kabtan Wayne Rooney ayaa sheegay in kooxdiisu ay u qalantay inay guul ka gaarto hogaamiyayaasha horyaalka oo ay hakiyeen ku guulaysigooda horyaalka ingiriiska ee xiliciyaareed kan.

Rooney ayaa qirtay in kooxda macalin Claudio Ranieri ay tahay kooxda ugu fiican horyaalka ingiriiska xiliciyaareed kan maadama intabadan la dhihi karo waxay hanteen horyaalka.

30 jirka xulka ingiriiska oo dhamaadkii ciyaarta la hadlay bein Sport ayaa yiri:

“Leicester City waxay hogaaminayaa horyaalka, waayo waa kooxda ugu fiican horyaalka xiliciyaareed kan, laakiin kulankii maanta Man United ayaa fiicnayd, waxaan khasaarinay fursado badan, waxaan aaminsanahay inaan u qalanay guul”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close