Taariikhda ayaa ka horjeeda: Old Trafford galabta dib uma dhigi karo xaflada Leicester!

Premier League-gii ebid ugu saadaasha adkaa ayaa lagu wadaa in lagu go’aamiyo meel lagu qaado meeshii loogu saadaalin ogaa!

13149928_521123051404599_1803234295_n

Kani waxa uu ahaa koobkii ugu saadaasha adkaa ee kubadda cagta Ingiriiska taariikhdiisa.

Yaa qabay in Leicester ay dabaqada sare ka sii mid ahaaneyso markii ay magacawday  Claudio Ranieri? Iskadaa in loo caleemo saaro horyaalkee.

Iyo sidoo kale in Tottenham Hotspur ay noqoneysaa xifaaliyeyaasha ugu soo dhow?

1

Loolankii Chelea, Manchester United iyo Man City xilli hore ayuu dhamaaday laakiin hal sheey  aayan is badali doonin –  waa garoonka lagu qaadi doono.

Hadii ay Leicester ku badiso Old Trafford,  waxaa loo caleema saari doonaa horyaalka. Waxa ayna noqon doonta markii shanaad ee lagu qaado horyaalka masraxa riyada  –  wey kordhin doonta rikoorka garoonka.

Hase yeshee, hadii United ay kulankan natiijo ka hesho, Tottenham ay guul daro kala kulanto Chelsea, Stamford Bridge ayaa bar bareen doona madaama uu isna noqon doono markii afrad oo lagu qaado maxaa yeelay Spurs ma awoodi doonto soo qabasada Leicester.

Gunners sidoo kale waxa ay arkeen afar jeer oo horyaalka lagu qaadayo gegidooda.  Highbury –  mar Arsenal ayaa ku qaaday labana United –  midka kale waa Emirates.

2

Hadaba aan dib u milicsano horyaalada lagu qaaday Old Trafford

1998-99 — Old Trafford

Man Utd 2 Tottenham 1

3

Premier League-gii shanaad ee ay UNITED qaaday ayaa noqday kii ugu horeeyey ee ay ku hor qaadaan jamaahiirtooda maalinkii ugu dambeeyey xilli ciyaareedka.

Arsenal ayaa dhibic ka hooseysay waxa ayna 1-0 uga badisay Aston Villa, taas oo ka dhigneyd guul in ay Red Devils koobka siineysay.

Les Ferdinand ayaa hogaanka u dhiibay Spurs kahor inta uusan David Beckham bar bareen, Any Cole ayaa kubad ka kor qaaday goolhaye Ian Walker si ay u badiyaan.

2001-02 — Old Trafford

Man Utd 0 Arsenal 1

4

Koobkii labaad ee ARSENE WENGER   waxa lagu qaaday isla gegida kooxdii ugu dhoweyd ee loolanka kula jirtay.

Sylvain Wiltord ayaa dhaliyey goolka qura ee ay guusha taariikhiga ah ku gaareen.

Arsenal ololahaas dibada loogama badan –  waxa ayna gool dhaliyeen kulan kasta oo ay dibada ku ciyaareen.

2005-06— Stamford Bridge

Chelsea 3 Man Utd 0

5

Koobkii labaad ee JOSE MOURINHO   waxaa sidoo kale lagu xaqiijiyey isla gegida kooxdii ugu dhoweyd ee loolanka kula jirtay, United.

Goolal ay kala dhaliyeen William Gallas, Joe Cole iyo William Carvalho ayaa guusha u sahlay.

Kulankaas sidoo kale waxaa lagu xusuustaa dhaawicii soo gaaray Weyne Rooney ee halista galiyey fursadiisii koobkii aduunka.

6

2008-09— Old Trafford

Man Utd 0 Arsenal 0

7

Koob taariikhu ahaa –  Balse waxa uu ahaa is aragii ugu liitay ee ka dhex dhasha labada naadi taariikhdooda.

Sir Alex waxa uu qaaday Premier League-giisii 11-naad halka Red Devils ay soo qabteen Liverpool oo haysatay 18 horyaal –  kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Liverpool waxa ay ololahaas ku dhameysatay kaalinta labaad.

Laakiin Arsenal ayaa kulankaas  gacanta sare lahayd iyada oo ay United dhicic raadis ahayd.

2009-10 — Stamford Bridge

Chelsea 8 Wigan 0

8

Sanad kaddib dhinicii Carlo Ancelotti waxa ay qaadeen koobkoodii afraad iyaga oo kulankii ugu dambeeyey si la yaqaan uga badiyey Wigan.

Waxa ay dhibic ka horeeyeen United –  kuwaas oo marti qaadayey Stoke.

Didier Drogba ayaa kulankaas saddexley dhaliyey.

2012-13 — Old Trafford

Man Utd 3 Aston Villa 0

9

ROBIN VAN PERSIE waxa uu saddexley ku soo gunaanuday olole shaqsi ahaan u ahaa kiisii ugu wanaagsanaa ebid saddexley –  taas waxa ay United u sahashay in ay horyaalka uga fara maroojiyaan Man City.

Goolkiisi labaad waxa uu ahaa dhul ma dhacdo cajiib ah waxaana caawiyey Weyne Rooney.

United wixii intaa ka dambeeyey kuma aysan guuleysan horyaalka.

2014-15 — Stamford Bridge

Chelsea 1 Crystal Palace 0

11_28153154_5125b7_2828938a

Goolkii EDEN HAZARD   ayaa ku filnaa hanashada Premier League-gii afraad ee Chelsea.

Kooxdii Jose Mouirinho wax badan ayey ka horeeyeen dhinacyada kale balse guushaas ayey koobka ku xaqiijiyeen –  Palace ayey 1-0 ku garaaceen.

Mourinho waxa uu sidaas ku noqday tababarihii 11-naad ee qaada horyaalka England ah saddex mar.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close